Dowladda Soomaaliya ayaa xilalkii danjirenimo ka qaaday 8 safiir oo Soomaaliya u fadhiyay dalal muhiim ah oo hore loo faray inay soo galaan dalka, basle ka dhego adeygay.
Safiiradan laga qaaday xilalka waxay kala yihiin:
Safiirka Soomaaliya u fadhiyay Shiinaha Yuusuf Xasan Ibraahim.
Safariikii Soomaaliya u fadhiyay Jabuuti C/raxmaan Cabdi Xuseen
Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Imaaraadka C/qaadir Sheekey Maxamed
Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Dalka Qatar Cumar Sheekh Cali Idris
Safiirkii Soomaaliya u joofay dalka Zambia Maxamed Xasan Dawaare
Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Kuweyt C/qaadir Amiin Sh. Abubakar
Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Suudaan Maxamed Cabdi Ugaas
iyo Safiirkii Soomaaliya Soomaaliya u fadhiyay dalka Uganda Sayid Axmed Sheekh Daahir
Xilalka safiirmo ee 8-da dal waxaa sii wadaya intooda badan xubno safaaradda ka mid ahaa,siiba La-taliyeyaasha koowaad. Safiirada xilalka laga qaadya ayaa intooda badan muddo dheer xilalka hayay, waxayna gaareen heer ay xilka ka dhigtaan hanti ay leeyihiin iyadoo lagu guuleysan waayay in la bedelo.
Dowladda Soomaaliya oo degdeg ugu yeertay & Safiiro & Qorshe lala damacsan yahay [Akhriso Magacyada]