Tuesday, June 24, 2025

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay Sawirrada & Magacyada Raggii ka danbeeyay Qarixii Soope [Akhriso]

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay magacyada iyo shakhsiyaadka loo qabtay Qaraxii weynaa ee 14-kii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdish, kaasoo lagu dilay in ka badan 400 qof.

Wasiirka Warfaahinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay Qaraxii Zoobe in loo qabtay Shan nin oo la rumeysan yahay in ay ku lug leeyihiin falkaasi, kadib baaritaano dheeraad ah oo ay sameeyeen Hay’adaha ammaanka.

Wuxuu wasiirku sheegay in nagacyada iyo Sawirada Dowladdu ay soo bandhigtay inuu ku jiro shaqsigii isku Qarxiyay isgoyska Zoobe ee kaxeynayay Gaarigii TM-ka ahaa ee qaraxii weynaa dhigay.

HOOS KA AKHRISO DADKII KA DAMBEEYAY QARAXII SOOPE:-

1- Mukhtaar Maxamuud Xasan Gardhuub,

2- C/wali Axmed Diiriye (C/qani) oo ahaa Madaxa Qaraxyada Gobolka Banaadir, marka uu Gardhuub amarka ka yimaado.

3- Xasan Aadan Isaaq oo ahaa Darawalkii Gaariga NOAH-da, ahaana isku xirihii weerarkii Zoobe, inta uusan wareejin NOAH-da ayaa la qabtay.

4- Cali Yuusuf Waceys (Ducaale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyay inuu NOAH-da isku Qarxiyo.

5- C/laahi Cabdi Warsame, iyada oo ugu dambeyn Darawalkii kaxeynayay Gaarigii TM-ka ahaa ee Zoobe ku Qarxay lagu magacaabi jiray  Cusmaan Xaaji (Maadey).

Warbixintan ayay dowladda Soomaaliya shaacisay kadib muddo bil ah markii uu qaraxaasi galaaftay dadkii ugu badnaa ee mar qura ku dhintay qarax ka dhaca Soomaaliya.

DAAWO SAWIRRADA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON