Wasaaradda Amniga Gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa war kasoo saartay Lacagtii lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Wasaaradda oo aan magacaabin ciddii lahayd lacagtaasi ayaa sheegay inay ku jirtay saddex Boorso oo waaweyn, iyadoo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Sirdoonka iyo nabadsugidda, ayna gaareysay lacag dhan 9.6 Milyan oo Doolar.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA WASAARADDA AMNIGA GUDAHA
WAR-SAXAAFADEED:-
BOORSOOYIN LACAG LAGA SOO BUUXIYAY OO MAANTA LAGU QABTAY GAROONKA AADAN CABDULLE
Maanta barqadii abbaaro 11:40am waxaa Garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyaarad nooceedu yahay Boeing 737.
Diyaaraddan waxyaabaha ay sidday waxaa kamid ahaa 3 boorso aan calaamadeysnayn.
Hawl wadeennada garoonka ayaa sida caadada ahaydba waxa ay marsiiyeen baaritaan.
Shaqaalaha garoonka oo ka shakiyay boorsooyinka ayaa waxa ay xiriir la sameeyeen qeybta la dagaallanka argagixisada ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
Waxaa la ogaaday in boorsooyinkan laga soo buuxiyay lacag Doollar ah, waxa ayna haatan ku jiraan gacanta dowladda si baaritaan dhameystiran loogu sameeyo.
Lacagta la qabtay waxa ay dhantahay 9.6 milyan (Sagaal milyan iyo lix boqol oo kun oo Doollarka Mareykanka ah).
Hay’adaha Amniga waxa ay haatan ku hawlanyihiin baaritaan ku saabsan halka ay lacagtu ka timid, meesha ay u socotay, dadkii ku lug lahaa iyo dantii laga lahaa in lacag intan la’eg lasoo geliyo dalka.
Wasaraadda Amniga Gudaha waxa ahy caddeynaysaa in aysan jirin wax xadgudub ah oo ka
dhacay garoonka intii lagu guda jiray baaritaanka iyo lasoo wareegidda boorsooyinka.
Waxaa jira waddamo aan xiriir la leenahay oo taakuleeya Dowladda Federaalka iyo laamaheeda kala duwan, balse taakuleynta dhaqaale waxaa Dowladda loo soo marsiiyaa abraac waafaqsan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah ee la xiriira isu-gudbinta lacagaha.
=DHAMMAAD=