Wasaaradda Warfafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa war-saxafadeed kasoo saartay Qarax is-miidaamin ah oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay qarax ku dhinteen 6 qof, halka 8 kale ay ku dhaawacmeen, iyadoo lagu bartilmaameedsaday dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa caawa ka dhacay Muqdisho oo qof is-miidaamiye ah uu isku dhex qarciyey Maqaayad u dhow Garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaaso dadka ku dhintay ay gaarayaan 7 iyo dhaawac ka badan 10.
