Warar ku dhowdhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in taliyihii hore ee ciidamada Booliska Puntland xil looga magacaabay dowladda Federaalka.
Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. C/xakiin Daahir Saacid ayaa u magacaabay Gen Cabdirisaaq Af Gaduud Taliyaha isku dhafka Booliska iyo xiriirka Maamul goboleedyada dalka.
Xilkan oo ah mid aan hore u jirin oo ku cusub Booliska ayaan la ogeyn sida uu u shaqeyn doono, iyadoo aanay dowladda Soomaaliya qorshaha ugu jirin isku dhaf ciidamo Boolis ah.
Gen. Afgaduud ayaa xilkii uu ka hayay Puntland looga qaaday kadib markii gacan ka hadal uu dhex maray isaga iyo taliyihii ciidamada birmadka Puntland, taasoo keenay in labada ciidan ay isku dhacaan, taasoo dhaawac ka soo gaaray wasiirka Amniga Puntland.
Goobjooge