Friday, June 27, 2025

Dowladda Soomaaliya oo yeelatay Ciidamadii ugu horeeyay ee Daraawiishta Booliska. (Sawirro)

Dowladda Soomaaliya ayaa yeelatay ciidamadii ugu horeeyay ee Daraawiishta Booliska Soomaaliya, kadib markii 300 askari oo tababar loo soo xiray toddobaadkan.

Ciidamadan ayaa qaatay tababar gaara oo muddo bil ah uga socday Akadeemiyadda Jeneraal Kaahiye ee tababarka Booliska magaalada Mudisho, waxayna ku qaateen tababar gaara oo loo carbiyey la tacaalidda argagixisada, iyadoo ciidamadan markii hore lagu soo tababarray dalka Jabuuti.

Ciidamadan ayaa noqonaya qeybtii ugu horeysay Daraawiishta Booliska Dowladda Soomaaliya oo la qorsheeyay inay tiradoodu gaarto 1750 askari, kuwaasoo loo diyaarinayo inay nabadeeyaan degaanada cusub ee laga xoreeyo Alshabaab, siiba gobolka Sh/Hoose.

Waxyaabaha tababarka lagu baray waxaa ka mida la-dagaalanka argagixisada, sirdoonka, hababka joojinta iyo baaritaanka, shaqada Booliska, la tacaalidda kacdoonnada, maamulka Kolonyada iyo maareynta Qaraxyada.

Taliyaha ciidamada Booliska Jen. Cabdi Xasan Axmed ayaa tababarka soo xiray, wuxuuna sheegay in ciidamada Booliska dib u habeyn lagu wado, iyadoo dib loo dhisay ciidamada kala duwan ee Booliska sida Daaawiishta, Haramcad, Birmadka, iyo ciidamada jawaabta degdega ah.

Tababarkac iidamadan waxaa bixiyey Booliska AMISOM, waxaana taageeray Booliska Q/Midoobay ee (UNPOL), Midowga Yurub (EUCAP), Xafoosla UN-ka ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Howlgalka tababrraka Midowga Yuru ee Soomaaliya (EUTM).

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON