Dowladda Suudaan ayaa ku adkeysatay mowqifkeeda ah inaysan dhinac raadin khilaafka ka dhex taagan dalalka Khaliijka.
Saxaafadda dalka Suudaan ayaa soo werisay in safiirada Sacuudiga iyo Imaaraadka u jooga magaalada Khartoum ay kulan la qaateen madaxweynaha dalkaasi Cumar Xasan Albashiir, kana dalbadeen inuu caddeeyo mowqifka dalkiisa.
Madaxweyne Albashiir ayaa ku adkeystay mowqifka dowladiisa ay qaadatay ee ah inaysan dhinacna taageerin, waxaana uu sheegay inuu taageersan yahay dadaalka uu wado Amiirka dalka Kuweyt ee xalka loogu raadinayo khilaafka Sacuudiga iyo Imaaraadka kala dhaxeeya dalka Qatar.
Suudaan ayaa ka mida Isbaheysiga Sacuudiga hoggaamiyo ee ka dagaalamaya dalka Yeman, waxayna ciidamo fara badan u dirtay dalkaasi, iyadoo dalkeeda u furtay ciidamada isbaheysiga.