Thursday, June 26, 2025

Dowladda Turkiga oo Bishii labaad Malaayiin Doolar siisay dowladda Federaalka Soomaaliya [Akhriso]

Dowladda Turkiga ayaa noqotay dowladda kaliya ee sida tooska ah u kabta miisaaniyadda dowladda Federaalka, iyadoo ku dhawaaqday malaayiin doolar oo ay siisay dowladda cusub ee Soomaaliya.

Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa shaacisay in lacag malaayiin Doolar ah ay dowladda Turkiga ku wareejisay dowladda Soomaaliya, lacagtaas  oo lagu kabayo Miisaaniyadda dowladda.

Sida ay sheegtay safaaradda Turkiga Lacagta dowladda Turkiga siisay bishan dowladda  Soomaaliya waxay gaareysaa $8 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah, waxayna qeyb ka tahay taageerada Turkiga siiyo Soomaaliya. Kulan xarunta safaaradda Turkiga ku dhex maray Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar iyo wasiir ku xigeenka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa lacagtaasi lagu wareejiyay dowladda.

Bishii hore ee Maarso wuxuu Turkigu si toos ah u siisay dowladda Soomaaliya lacag dhan 6 Milyan oo doolar. Warkan oo lagu shaaciyay bogga ay safaaradda Safaaradda Turkiga ee Muqdisho  ku leedahay twitter-ka.

Turkiga ayaa si joogto ah lacago malaayiin doolar ah ugu kaba miisaaniyadda dowladda Federaalka. Taageero dhaqaale oo balan qaadeen dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaan weli wax war ah laga heynin.

Goobjooge.com

Turkiga oo noqotay dowladii ugu horeysay ee Malaayiin Doolar siisa Dowladda Farmaajo [Akhri Warbixinta]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON