Dowladda Turkiga ayaa bogaadisay kaalintii ay dowladda Qatar ka qaadatay soo celinta xiriirkii Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, waxayna soo dhoweysay in labada dal ay heshiiiskan gaaraan.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay inay soo dhoweyneyso horumarka laga gaaray xiriirka dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.
“Waxaan ka mahadcelineynaa dadaalka Dowladda Qatar ay ku bixisay howshan. Turkiga wuxuu sii wadi doonaa taageerida dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka ka jira gobolka Geeska Afrika iyadoo lagu saleynayo wadahadal iyo is afgarad” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha dibadda dalka Turkiga.
Dowladaha Turkiga iyo Qatar ayaa leh isbaheysi xoog leh iyo saaxiibtinimo gaara, waxayna aad isugu dhow yihiin dowladda uu hoggaamiyo madaxweyaha xilligu ka dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
