Dowladda Turliga ayaa hub casri ah ugu deeqday ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, sida ay qortay saxaafadda dalkaasi.
Hubkan ayaa la sheegay inuu yajay nooc lagu farsameeyo Turkiga oo dhowaan soo baxay, waana qoriga loo yaqaan MPT-76 oo ah qori heer sare ah oo mar dhow lagu hubeeyay ciidamada ilaalada Jamhuuriga Turkiga.
Qorigan oo ah kii ugu heer sareeyay ee Turkigu sameystay ayaa ciidamada Soomaaliya la siiyay 450 qori oo ah nooca MPT-76, waxaana adeegsada ciidamada argagixiso la-dirirka ee gaarka ah.
Deeqa hubkan ee Turkigu siiyay Soomaaliya ayaa qeyb ka ah heshiis istiraatiiji ah oo dowladaha Soomaaliya iyo Turkiha ay dhowaan kala saxiixdeen labada dal, iyadoo ciidamada Turkiha ay tababar ka bilaabeen magaalada Muqdisho.
Qoriga MPT-76 ayaa culeyskiisu yahay 4.1 kg. wuxuuna wax ka dili karaa masaafo dhan 500 mitir si toos ah, waxaana daqiiqadii uu awood u leeyahay inuu seyro rasaas dhan 650, waxaana dalal badan ay doonayaan inay ka iibsadaan Turkiga.