Sunday, July 13, 2025

Dowladda Turkiga oo markii ugu horeysay soo dhex galaysa khilaafka ka taagan Doorashada Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horeysay kaalin ku yeelaneysa sidii xal loogu heli lahaa is mari waaga ka taagan Doorashada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa laga soo xigtay in dowladda Turkiga ay Soomaaliya ka taageereyso sidii loo xallin lahaa khilaafka Doorashada Somaaliya. “Walalaaha Soomaaliyeed waxaa muhiim inay xal isla ogol ah gaaraan si heshiis loogu aado Doorashooyinka xilliga ugu dhaqsiyaha badan, taas ayaan rajo badan ka qabnaa” ayuuna yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga.

Wuxuu intaas ku daray in dowladda Turkiga ay diyaar u tahay waanwaanta iyo isu keenidda dhinacyada Soomaalida ee isku khilaafsan arrimaha Doorashada si xal loo gaaro, waxaana lagu wadaa inuu socdaal ku tago magaalada Muqdisho, ayna Soomaalidu dooneyso inuu Turkiga arrintaas xalkeeda ka qeyb galo.

Socdaalka Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga ku tegayo Soomaaliya ayaa ka mida safar uu ku marayo Bariga Afrika oo sidoo kale uu ku tegi doono dalal ay Kenya ka mid tahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON