Thursday, June 26, 2025

Dowladda Turkiga oo si kulul u Cambaareeysay Weerarradii Alshabaab ee Magaalada Muqdisho

Dowladda Turkiga ayaa war kasoo saartay qaraxyo iyo werarro ka dhacay magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay  Bayaan kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Turkiga.

Turkiga aya si weyn loogu cambaareeyay weerarradii Xalay ka dhacay Magaaladda Muqdisho oo ay Dadka badani ku dhinteen. “Naxariista Alle ayaan u rajeyneeynaa kuwa ku geeriyooday weerarrada, waxaan u tacsiyeyneeynaa Qoysaska ay Dadkoodu weerarrada ku dhinteen,kuwa dhaawacmayna Alle ayaynu caafimaad deg-deg ah ugu rajeynaynaa” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaradda arrimaha dibedda ee Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay joogtayn doonto Garab istaagga Dowladda iyo Dadka Soomaaliyeed ee ay walaaltinimadu ka dhaxayso, kuwaasoo wajahaya bay tidhi weerarro argagixiso.

Dableey ka tirsanayd Al-Shabaab ayaa Laba Gaadhi oo Miineysan Maqribnimadii Xalay ku weerartay goob u dhow xarunta dhexe ee nabad sugidda Qaran iyo Madaxtooyada Soomaaliya, kuwaasoo iska caabin xooggan kala kulmay ciidanka ammaanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON