Dowladda Turkiga ayaa xaqiijisay inay muwaadiniin Turki ah lagu dilay qaraxii weynaa ee saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaanIsgoyska Ex. Kontrol Afgooye.
Safiirka Turkiga u jooga magaalada Muqdisho Mehmet Yılmaz ayaa xaqiijiyey in laba qof oo Turki ah ay ku dhinteen qaraxa ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay kasoo xigteen warbaahinta Turkiga, iyadoo aan magacyadooda la shaacin.
Wararka ayaa sheegaya in Weerarka loola dan lahaa Injineero Turki ah oo ku howlahaa dhismaha jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, markii gaari weyn oo qarax siday lagu dhuftray gaari nooca aan xabbada karin ah oo ay wateen, kaasoo qaraxa ku burburay, waxaana la dhintay ilaaladooda.
Qaraxa saaka ayaa dadka ku dhintay ku dhow yihiin 100 qof, waxaana isbitaalka Medina oo kaliya la dhigay 73 qof oo meyd ah, iyadoo dhaawacyadu gaarayaan boqolaal kale.