Friday, April 19, 2024

Dowladii ugu horeysay ee ka tirsan Yurub oo si rasmi ah u Aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliya [Sawirro]

Dalka Norway ayaa maanta si rasmi ah ugu dhowaaqey inuu aqoosadey baasaboorka Soomaaliga noocyadiisa kala duwan ( Dublamaasiga, Shaqaalaha iyo kan caadiga ah), ioadoo ay noqotay dalkii ugu horeeyay reer Yurub ee tallaabadan qaada.

Arrintan ayaa ka danbeysay wadahadallo socdey muddo sanad ka badan, waxayna Norway maanta uga dhawaaqdey munaasabad ay soo qabanqaabisey safaaradda Norway ay ku leedahey dalka Kenya oo ka dhacdey magaalada Nairobi,  iyadoo ay ka ka qeyb galeen Wasiirka arrimaha dibadd   Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, wasiirka Amniga gudaha Maxamed Islow Ducaale, Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col. Maxamed Xasan Koofi iyo madax kale.

Waxaa munaasabadda ka qeyb galay Danjireyaasha in ka badan 20 safaaradood. Waxaa warbixin laga dhageystey agaasimaha guud ee HSJ, iyo khubaro ka socotey dalka Norway oo hore qiimeyn ugu soo sameysey habka bixinta baasaboorka Soomaaliya ayey ugu danbeyn Norway ku dhawaaqdey go’aankeeda ay dib ugu aqoonsanayso baasaboorka Soomaaliya.

Ad

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo munaasabaddan ka qeyb galay ayaa sheegay in dadaal dheer oo ay sammeysay dowladda Soomaaliya iyo shaqo adag oo ay qabatay Agaasinka Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay keentay in dowladda Norway ay aqoonsato baasaboorka, isaga oo si gaar ah u bogaadiyay safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo sidoo kale kaalin mug leh ka qaadatay arrintaan.

“Waa maalin taariikhi ah, Norway sanadkii 2012 ayay aqoonsatay baasaboorka diblomaasiga ah, maantana waxa ay aqoonsatay dhammaan noocyada kale sida kan shacabka iyo midka shaqaalaha, dadaal ay bixisay dowladda gaar ahaan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda oo uu hoggaaminayo agaasime Koofi ayaa lagu gaaray”. Ayuu yiri Wasiir Cawad.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow oo munaasabadda ka qeyb galay ayaa u mahad celiyay dowladda Norway, isaga oo tilmaamay in aqoonsiga ka sokoow ay dowladda Norway dowlado kale la wadaagayso xogta ku saabsan baasaboorka Soomaaliya si ay u aqoonsadaan.

- Advertisement -

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii 2007-dii billowday daabacaadda baasaboor elektronig ah, kaas oo lagu beddelay baasaboorkii hore oo laga heli jiray suuqa, wixii ka dambeeyay waqtigaas waxaa la sii adkaynayay hannaanka lagu bixiyo baasaboorka iyada oo sidoo kale ay sii badanayeen dowladaha aqoonsanaya ama oggolaanaya in ay dal ku-gal saaraan.

Hore waxaa u aqoonsaday Baasaboorka Somalia dalal dhowr ah, balse ma saaraan dal-ku-galkooda, taasoo aan aqoonsi rasmi ah ahayn.

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON