Wednesday, June 25, 2025

Dowladda Kenya oo si lama filaan ah u joojisay Kulan Soo dhoweyn ah oo Nairobi loogu diyaariyey C/raxmaan C/shakuur

Wararka laga helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya in ciidamada amniga Kenya ay joojiyeen kulan maanta duhurnimadii ka dhici lahaa magaalada Nairobi oo la sheegay in lagu soo dhoweynayo siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Kulanka oo ahaa Qado loogu yeeray  dad fara badan ayaa loo diyaariyay inuu ka dhaco Xarunta Sayid Cali Club ee xaafadda Islii, magaalada Nairobi, waxaana lagu casuumay boqolaal dad ah oo kulankaasi ka qeybgeli lahaa intii aan la kansalin.

Arrintan ayaa salka ku heysa go’aan dowladda Kenya ka qaadatay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya, iyadoo uu arrintaasi hormuud u yahay guddoomiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale.

C/raxmaan C/shakuur oo ka mida  mucaaradka ugu waaweyn dowladda Farmaajo ayaa hore ciidamada NISA uga joojiyeen muxaarado siyaasadeed oo uu ka dhigi lahaa Hotelka Saxafi ee Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON