Thursday, June 26, 2025

Dr. Bursaliid oo Xabsiga laga sii daayey & Denbiyadii lagu soo oogay oo lagu waayey..

Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid ayaa caawa u helay xorriyadiisa, kadib markii laga sii daayey xabsi uu ku jiray muddo shan maalmood ah, iyadoo Maxkamada ku taalla magaalada Nairobi ee Milimani Court ay meesha ka saartay eedeymihii lagu soo oogay.

Dr. Bursaliid oo wax ka dhiga Jaamacadda Nairobi, isla markaana ahaa falanqeeye arrimaha Somaliya iyo Geeska Afrika oo bartay cilmiga xiriirka caalamiga ahaa lagu soo oogay dembiyo aad loola yaabay oo ay ka mid ahaayeen argagixisenimo iyo inuu heystay dokumentiyo kala duwan.

Jimcaha 7-da bishan ayaa gurigiisa laga xiray Dr. Bursaliid iyo 3 qof oo kale, waxaana ugu danbeyn maxkamadda ay sheegtay in wax dembi ah lagu waayey, sidaasina xoriyadiisa dib loogu celiyay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON