Faahfaahin: Dad kasoo jeeda degaanada K/Galbeed oo lagu dilay degaan u dhow Dhuusamareeb..

Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Afar qof oo kasoo jeeda degaanada Koonfur Galbeed lagu dilay degaan u dhow Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Falkan ayaa ka dhacay degaanka Dhiin-waris oo koonfur ka Xiga Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo weerar lagu qaaday dadkan oo shaqaale ka aha Goob Shinada lagu dhaqo, iyadoo wararku sheegayaan in dadkan loo dilay aano qabiil.

Meydadka dadkaas la laayey ayaa la sheegay in loo soo qaaday magaalad Dhuusamareeb, iyadoo Maamulka Galmudug uu bilaabay baaritaan ku saabsan dadkii ka dambeeyay dilkaas oo baxsaday markii ay falkaasi fuliyeen.

Ad

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Galmudug ee fadhigiisu yahay magaalada Dhuusamareeb, waxayna dadka degaanka sheegayaan in dadkan lagu dhex dilay laba beelood oo xiisad u dhaxeysay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

124,513FansLike
971FollowersFollow
3,124FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!