Wednesday, July 16, 2025

Duqa Laascaanood: “Berri anaa Dagaalka hoggaamin doona. Muuse Biixiyow la bax Ciidamadaada..”

Duqa magaalada Laascaanood oo ay garab joogaan 8 xildhibaan oo ka mida Golaha la doortay ee degaanka ayaa sheegay inuu wixii Berri ka danbeeya uu dagaalka hoggaamin doono, isagoo digniin u diray Madaxweynaha Somaliland.

Duqa Laascaanood  Cabdirixin Cali Ismaaciil oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada ayaa sheegay in dagaalka ka socda magaalada uu u dhaxeeyo Shacabka Reer Laascaanood iyo Ciidamada Somaliland ee uu Muuse Biixi.

Wuxuu beeniyay inay dagaalka ku jiraan argagaxiso, Puntlanda ama dowladda Federaalka sida Somaliland ku doodeyso, wuxuuna si kulul u sheegay inuu isagu dagaalku hoggaamin doono wixii maalinta Berri ah ka danbeeya, haddii kale uu Muuse Biixi ciidamadiisa kala baxo halkaasi,

“Waxaan caddeyneynaa in Maalintii saddexaad la duqeynayo magaaalada Laascaanood.. goobihii caafimaadka, Masaajidadii ayaa saaka gubanaya, Kaalimihii shidaalka iyo Guryihii shacabka ayaa la duqeynayaa… waxaan caddeynaynaa inaysan Laascanood ku dagaalameynin Aragixiso iyo Somaliland iyo Puntland.. Waxaa ku dagaalamaya shacabkii Reer laascanaood oo naftooda iyo cirdigooda difaacaya.. Muuse Biixi waxaan leeyahay la bax ciidamadaada, haddii kale inta qofi ka nooshahay dadkani way dagaalamayaan.. Berrina anigaa dagaalka hoggaaminaya” ayuu yiri Duqa Laascaanood.

Arintan ayaa jawaab u ah warka kasoo baxay Saaka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo lagu sheegay in argagixiso ay soo weerartay ciidamada Somaliland ee ku sugan Laascaanood.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON