Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa soo saaray digniin ku soocta dadka leh xoolaha Magaalada dhex buuxa ee lagu soo daayey.
Wareegto soo baxday Xafiiska Duqa Magaalada Muqdisho ayaa dadka leh xoolaha dhex jooga wadooyinka loogu qabtay muddo todobaad inay xoolahooda ku kaxeystaan ama ay mudan doonaan ganaax lacageed.
Yariisow ayaa sheegay in ciddii u hoggaansami weyda amarka, islamarkaana xoolahooda ka celin waayaan wadooyinka Magaalada Muqdisho in ganaax lacageed Maamulka lagu soo rogi doono.