Sunday, June 22, 2025

Duqeyn culus oo ka dhacday Galhareeri iyo Xarumihii Alshabaab oo lagu burburiyay

Wararka laga helayo Gobolka Gagaduud ayaa sheegaya Duqeyn culus oo dhinaca Cirka ah ay ka dhacday degmada Galhareeri, taasoo dhalisay qasaare kala duwan.

War kasoo baxay Dowladda Soomaalya ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay in ka badan 20 maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab, markii la duqeeyay xarun ay ku lahaayeen Galhareeri, ayna iska kaashadeen Saaxiibada Beesha calamka iyo NISA.

Duqeynta ayaa sidoo kale la sheegay in lagu burburiyay Idaacaddii Andalus ee Alshabaab halkaas ugu tiilay iyo xarun ay ku diyaarin jireen qaraxyada iyo weerarada, sida lagu sheegay warka kasoo baxay dowladda Federaalka.

Ad

Dhinac kale Alshabaab ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeyn ka fuliyeen degmada Galhareeri, isla markaana ay ku dileen, kuna dhaawaceen dad rayid ah, balse ma bixin wax faahfaahina ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON