War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay Ciidmada Somalia oo taageero ka helaya saaxiibo Caalami ah (Mareykanka) ay weerar qorsheysan ay ka fuliyeen Gobolka Baay, laguna dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Ciidamada oo Gacan ka helaya saaxiibo Caalami ah ay hawlgal qorshaysan Ka fuliyay Gobalka Baay. Hawlgalkaan oo dhacay 30 November 2018 ayaa lagu beegsaday Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Ka tirsan Shabaab oo Ku hawlanaa falal argagixiso.
Waxaa lagu dilay howlgalka Sarkaal ka tirsan Alshabaab oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad mana jirto waxyeelo soo gaartay shacabka.
Taliska Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa fuliya weerarradan iyadoo aanay weli soo saarin war-saxaafadeedka weerarkan.