Wararka laga helayo saraakiisha saadaasha hawada ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in Diyaaradaha shirkadda Turkish Airlines ay xilligan awoodi waayeen inay ku degaan Garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Arrintan ayaa ugu wacan Dabeylo ka jira Muqdisho iyo jihada diyaaradaha yimaada magaalada ay garoonka uga yimaadaan oo ah dhinaca badda, taaaso keentay inay dhibaato ku noqoto diyaaradaha shirkadda Turkiga.
Muddo toddobaad ka badan ayay diyaaradaha Turkish Airlines awoodi waayeen inay ku degaan Garoonka Aden Cadde, taasoo keentay inay dib ugu laabtaan garoomada Jabuuti iyo Mombasa, halkaasoo rakaabkii ay sideen ay dhigeen, isla markaana loo kireeyay hoteelo, kadibna diyaarado kale lagu qaaday.
Xaaladan ayaa jahawareer ku riday rakaabta adeegsada shirkadda Turkshi Airlines, waxaana xaryirmay dadkii ku qornaa inay diyaaradda ka raacaan magaalada Muqdisho.
Saraakiisha saadaasha hawada ayaa sheegaya in Diyaaradaha shirkadda aysan dul mari karin magaalada Muqdisho xaalado ammaan dartood, taasoo xaaladda sii adkeysay, waxaana laga cabsi qabaa in duulimaadyadoodii istaagaan inta dabeylahani socdaan.
Goobjooge.com