Tuesday, June 24, 2025

Eedeysane sanadkii 2017 Sheekh Caan ahaa ku dilay Magaalada Baydhaba oo Saaka toogasho lagu fuliyey

Waxaa magaalada Baydhaba saaka toogasho lagu fuliyey eedeysane ka tirsanaa Alshabaab   oo lagu helay inuu toogasho  ku dilay sheekh caan ka aha magaaladasi sandkii 2017.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa fulisay xukunkii dilka ahaa ee lagu riday eedeysane Maxamed Aadan Cali oo ku eedeysnaa  inuu Masjid Baydhabo ku dilay Sheekh Madeer Madgaab Caliyow 15-6-2017-kii, waxaana lagu toogtay Fagaaraha Maanyo fuulka ee magaalada Baydhabo.

DI-sugaha la toogtay ee Maxamed Aadan Cali Barrow ayaa bartamihii bishii June ee sanadkii hore wuxuu Masaajid ku yaala xaafadda Towfiiq ku dhex dilay Sheekh Maxamed Deyr, waxaana ilaa markaasi lagu hayey maxkamadda iyadoo dowladda madaxweyne Farmaajo aysan wax dil ah fulin ilaa mudaddaasi.

Waxaa goobta dilka toogashada ka dhacay ku sugnaay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida & Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON