Saturday, July 5, 2025

Ehelada Askari ay dileen Ciidmada AMISOM oo Dalab culus u diray Dowladda Soomaaliya

Waxaa maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ehelada askari ka tirsan ciidamada NISA ee dowladda Soomaaliya oo xalay ay toogasho ku dileen ciidamada AMISOM ee Midowga Afrika.

Cumar Geedi Xasan oo u hadlay Qoyska askariga la dilay ayaa sheegay in AMISOM ay si bareer ah u dishay askariga oo gudanayey waajibaadkiisa Qaran, iyadoo si awood ah u maray koontaroolka Garoonka diyaaradaha Muqdisho ee u dhow Isgoyska KM 4, halkaasoo iska hor imaad ku dhex maray ciidamadii ilaalada iyo kolonyo AMISOM ka tirsan.

Ciidamada AMISOM ayaa goobta ku dilay Axmed Xuseen Cabdi (Macalin Aadan) oo ka tirsanaa ciidamada NISA, waxaana sidoo kale goobta ku dhinay dad shacab ah oo meydadkooda la geeyay xarunta CID-da.

Cumar Geedi wuxuu dowladda Soomaaliya ka dalbaday in AMISOM lagula xisaabtamo kiiska dilka ah, isla markaana askartii ka dambeysay dilka walaalkiis sharciga la horkeeno.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON