Wararka laga helay Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay caawa dil ka geysatay magaalada Muqdisho.
Waxay dabley hubeysan toogteen mid kamid ah ergadii xildhibaanada dooratay xildhibaanada Federaalka, sida ay sheegeen goobjoogayaal nink la dilat ayaa lagu magacaabaa Axmadey Barre, kaasoo kamid ahaa ergadii xildhibaanada kusoo dooratay magaalada Jowhar.
Falkan ayaa ka dhacay agagaarka hotel Garguurte ee magaalada Muqdisho, waxaana weerarka ku dhaawacmay qof kale. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa goobta gaaray iyadoo baaritaan bilaabay.
Falalka lagu ugaarsanayo ergadii dooratay xildhibaanada baarlamaanka Federaalka ayaa si xowli ah uga socda magaalada Muqdisho.