Wednesday, June 25, 2025

Ergeyga Q/Midoobay ee Soomaaliya oo Boosaaso u tegay xaaladda dagaalka Gaalkacyo

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari.

Socdaalka Michael Keating ee Boosaaso ayaa la xiriira sidii uu kulamo ku saabsan xaalada dagaalka magaalada Gaalkacyo ula yeelan lahaa Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan Boosaso.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland C/weli Gaas aysan faraha ugu jirin xaaladda dagaalka Gaalkacyo oo ay wadaan wasiiro iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Micheal Keating ayaa hore magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo arrinta Gaalkacyo ay ka wadahadleen.

Baaqyadii nabadda iyo heshiisyadii magaalada Gaalkacyo ayaa dhammaantood shaqeyn waayay, iyadoo labada maamul ee Galmudug iyo Puntland ay isku eedeynayaan dagaalka oo dad badan ku dhimanayaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON