Thursday, June 26, 2025

Ergeyga Q/Midoobay oo digniin culus u diray madaxweynayaasha Puntland & Galmudug

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya danjire Micheal Keating ayaa digniin u kulul diray maamulada Puntland iyo Galmudug inay adkeeyaan heshiiskii Gaalkacyo.

“C/weli  Gaas Madaxweynaha Puntland iyo C/kariin  Guuleed Madaxweynaha Galmudug waxay balanqaadeen inay adkeyn doonaan heshiiska, laakiin waxaa muhiin ah in taas ka dhabeeyaan, ayna xaqiijinaan inuusan dagaal danbe dhicin” ayuu yiri Danjire Keating.

keating
Wakiilka xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Micheal Keating

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya danjre Micheal Keating ayaa sidoo kale sheegay in maamulada Puntland iyo Galmudug lagula xisaabtami doono dagaaladii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo 6-dii toddobaad ee lasoo dhaafay, ayna ku dhinteen in ka badan 45 qof.

Danjire Mcheal Keating ayaa uga digay maamulada Puntland iyo Galmudug in ay hareer maraan heshiiskii ugu danbeeyay ee lagu gaaray Gaalkacyo ee uu goobjooga ka ahaa Ra’iisal wasaaraha Qaranka mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

“Ma ahan in lagu xadgudbo heshiiska Gaalkacyo, mana la aqbali karo in heshiis walba la jabiyo , waxaana ay wajihi doontaa xisaabtan adag cidii hareer marta”  ayuu ku goodiyay  Micheal keating.

Lama oga sida loola xisaabtami doono madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug oo dhowr jeer jebiyay xabad joojin ay galeen.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON