Sunday, July 13, 2025

Ergeyga Q/Midoobay oo farageliyay Doorashada Aqalka hoose ee mid ka mida beelaha Abgaal

Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa si toos ah u farageliyay doorasahda Aqalka hoose ee mid ka mida beelaha Abgaal.

Micheal Keating ayaa dhowaan tegay magaalada Jowhar isagoo ka mid ahaa wafdi beesha caalamka, wuxuuna kulamo la yeeshay madaxda Hirshabeelle, guddiga Doorashada iyo haweenka.

keating-batula1Qoraal ka soo baxay ergeyga Q/Midoobay ayaa la gaarsiiyay Imaamka beesha Abgaal iyo odayaasha dhaqanka Beesha Harti abgaal iyadoo looga dalbaday in labada kursi ee beeshaasi u harsan laga doonayo midkood in loo qoondeeyo oo ay ku loolamaan haween kaliya.

Batuulo Sheekh Axmed oo ah guddoomiyaha haweenka ayaa olole weyn  iyo qalqaalo ugu jirta inay haween kaliya isugu soo haraan kursiga beeshaada taasoo uu ka horjeedo imaamka Abgaal.

Labada kursi ee u harsan Beesha Harti Abgaal ayaa waxaa ku loolamaya siyaasiyiin iyo xildhibaanno hore oo caan ah, iyadoo la isku heysto weli qoondada haweenka ee ergeyga Q/Midoobay taageerayo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON