Saturday, July 19, 2025

Ergeyga Q/Midoobay oo shaaciyay in Guddiga Xalinta khilaafaadka Doorashada ay Shaqadoodii gudan waayeen [Qoraal]

Ergeyga Q/Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa qoraal uu soo saaray ugu sheegay madaxda Madasha inay go;aan ka gaaraan khaladaadka ka dhacay Doorashada.

Qoraal Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada idoobey ee Soomaaliya Amb. Micheal Keating  wuxuu ku sheegay in isaga iyo wakiilada Beesha Caalamka ay ka welwelsan yihiin in Guddiga Xalinta khilaafaadka aysan u suuragelin inay fuliyaan waajibaadkooda, waqtigii loogu talogalay ayna qaataan go’aanada kiisaska hor yaalla, wuxuuna ka dalbaday Madaxda Madasha Qaran inay gacan siiyaan Guddiga sidii ay go’aano uga gaari lahaayeen kiisaska culus ee hor yaalla.

Micheal Keating ayaa codsaday inay kulan yeeshaan Madaxda Madasha Qaran iyo Guddiga xalinta khilaafaadka shirka Madasha 13-ka Decembar qorsheysan si warbixin looga dhageyso guddiga isla markaana lagu taageero go’aano ay ka qaataan kuraasta kiisaskoodu culus yihiin.

Hoos ka akhriso Qoraalka Micheal Keating

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON