Friday, June 27, 2025

Wararkii ugu dambeeyay ee Jowhar: Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Jowhar & Ergooyinkii ugu danbeeyay ee Hiiraan oo la sugayo

Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu goor dhoweyd ka degay garoonka magaalada Jowhar, isagoo furi doona shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sgabeelaha dhex.

Saaka waxaa magaalada gaaray ergadii ugu danbeysay ee ka timid Gobolka Hiiraan ay soo gaareen magaalda Jowhar, kadib wafdi uu hogaaminayay Guddoomiyaha Gobolka Yuusuf Dabageed oo saaka soo gaaray garoonka diyaaradaha Jowhar.

Dhinaca kale madaxweynaha dowladda Federaalka goor dhoweyd ka degay garoonka magaalada Jowhar iyadoo ay wehliyan xildhibano iyo wasiiro, waxaana daqiiqado kadib la filaya inay Jowhar tagaan wafdi kale oo ay ka mid yihiin madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed iyo madaxweyne ku xigeenka Jubba C/qaadir Lugadheere oo kasoo anbabaxay magaalada Kismaayo.

Guud ahaan magaalada Jowhar ayaa laga dareemayaa inay gashay xaalad cusub markii la xiray qeyb ka mida magaalada ayna buux dhaafiyen ciidamada ammaanka. Magaalada ayaa la ciirciireysa martidii ugu cusleyd tan iyo xiligii ay fadhiga u ahayd dowladii C/llaahi Yuusuf.

Shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa lagu wadaa galabta uu ka furmo hoolka cusub ee shirkaasi loo dhisay, waxaana furi doona madaxweyne Xasan Sheekh oo kadib furitaanka shirka taariikhiga ah laga sugayo magaalada Kismaayo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON