Thursday, June 26, 2025

Faafaahin: Qarax Gaari lagu xiray oo ka dhacay magaalada Muqdisho & Qasaare ka dhashay.

Faahfaahin dheeraad ayaa kasoo baxeysa helayaa Qarax Gaari oo ka dhacay degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho, kaasoo geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gaariga ayaa ku qarxay jidka isku xira Isgoysyada Xoosh iyo Ex-control, una dhow Xoosh, waxayna dadka egaanka sheegeen inuu ku dhintay darawalkii Gaariga, iyadoo uu ku dhaawacmay qof kale oo la socday, waxaana halkaasi gaaray cidiamada dowladda.

Wararka qaar ayaa sheagaya in gaarka ay la socdeen askar ka tirsan ciidamada, iyadoo aanu wax war ah kaso bixin Hay’adaha amniga dowladda iyo maamulka degmada Dharkeynley.

Meydka iyo dhaawaca ayaa goobta laga qaaday, waxaana qaraxa uu ahaa mid xoog leh oo degaano kala duwan laga maqlay. Alshabaab ayaa sheegata inta badan qaraxyada noocan ah ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON