Tuesday, July 15, 2025

Faafhaahin: Bannaanbax ka dhashay Ciidamada AMISOM oo Dad shacab ah ku dilay Muqdisho

Dadweyne careysay ayaa bannaanbax ay uga soo horjeedaan ciidamada AMISOM ka dhigay magaalada Muqidsho, kadib markii ay ciidamadaasi dileen dad rayid  ah.

Bannaanbax ayaa ka dhacay Ex Kontrool Balcad, Magaalada Muqdisho., waxayna dadkaasi ka si weyn uga caroodee tallaabo ay Ciidamada AMISOM ku dileen afar qof oo shcab ah, taasoo ka danbeysay weerar lagu qaaday kolonyo ka tirsan AMISOM.

Qaar ka mid ah Ehelada Dadka ay Saakay dileen ciidamada AMISOM ayaa sheegeen in ay aad ugu xun yihiin dhibaatada ay geysteen ciidamada AMISOM, islamarkaana ay dowlada Dhexe ugu baaqeen in wax laga qabto arintaasi.

Saaka ayay ahayd markii Isgoyska Ex Kontrool Balcad ay ku dagaalameen koox ka tisan Alsahbaab iyo Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM, waxaana kolonyo AMISOM lagu weerarray Qaraxyo is xigay.

Ciidamada AMISOM ayaa qaraxa kadib rasaas ku furayn dad Shacab ah, waxaana qasaare kasoo gaaray 4 qof oo dhimasho ah, dad kale oo ku dhaawacmay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON