Wednesday, June 25, 2025

Faafhaahin Dagaal culus oo Caawa ka dhacay degmada Afgooye

Al-Shabaab ayaa caawa weerar ku qaaday degmada Afgooye, halkaasoo uu ka dhacay qasaare  dhimasho iyo dhaawac leh.

Dagaalka ayaa ka dhacay  xaafadaha Siigaale iyo Ceel-qode ee Afgooye ka tirsan, waxayna maleeshiyada Alshabaab beegsadeen xerooyin ciidamada dowladda ku leeyihiin halkaasi.

Dadka degaanka ayaa maqlay, kana war helay Madaafiic ku soo dhacday Webiga iyo rasaas culus oo la is weydaarsanayo.

Wararkii ugu dambeeyay ee Afgooye ayaa sheegaya in labada dhinac ay qasaare kala gaareen, iyadoo markii danbe ay maleeshiyadii Alshabaab ee weerarka qaaday ay dib uga baxeen Afgooye.

Xaalad ayaa degan Afgooye, iyadoo cabsi weyn ay ka jirto, waxaana la sheegay inay gaareen ciidamo gurmad ah oo fara badan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON