Faafhaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa duqeyn ay diyaarad dagaal oo ah nooca is-wada ee Droneala beegsatay gaari ku soo jeeday magaalada Muqdisho.
Duqeynta oo habeenkii xalay ahaa ka dhacday degaanka Maracadde ee u dhaxeeya degaannada Cadow Dibille iyo Xaawo Cabdi, halkaasoo ay maamulaan kooxda Alshabaab, isla markaana ku leeyihiin xero ay maleeshiyadooda ku tababarraan.
Gaariga la beegsaday oo ahaa nooca raaxadda ayaa dadka degaanka sheegeen inuu si weyn u qarxay, isla markaana ay ku dhinteen dadkii saarnaa, xilli uu ku soo jeedan dhanka magaalada Muqdisho.
Qaar ka mida mas’uuliyiin maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in gaarigan la duqeeyay looga shakiyey inuu siday walxaha Qarxa oo ujeedku ahaa inuu weerar ka geysto Muqdisho.
Waa gaarigii labaad ee diyaaradaha Drone-ka Mareykanka ay duqeeyaan iyadoo la sheegay inay qarxayo sideen kuna socdeen Muqdisho.