Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu fal dil ah maqribnimadii caawa ka dhacay isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Koox hubeysan ayaa la sheegay inay salaadii Maqrib kadib ay askari ka tirsan ciidamada dowladda ku dileen agagaarka Isgoyska Bakaaraha, waxayna kooxdan oo Bistoolado ku hubeysan ay goobta ka baxsatay markii ay dilka geysteen.
Askariga ayaa dadka degaanka ay sheegeen inuu xirnaa dareyska ciidamada milateriga, gaar ahaan Guutada 14-ka Octoober, waxaan goobta gaaray ciidamada Booliska Soomaaliya oo hakaasi ka qaaday meydka askariga la dilay
Dilalka ka dhaca suuqa Bakaaraha iyo agagaarkiisa ayaa waxaa inta badan geysata kooxda Daacish oo sii kordhiyey falalkooda muddooyinkii dambe.