Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo dagaal culus oo kooxda Alshabaab iyo ciidamada dowladda ku dhex maray gobolka Shabeelada Hoose.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii dagaalamayaasha Alshabaab ay weerar ku qaadeen tuulada Majabo ee hoostagta degmada Jannaale ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Weerarka ayaa dhaliyay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxayna dadka degaanka sheegeen inay jiraan dhimasho labada dhinac ah, iyadoo Alshabaab ay dib u laabatay kadib weerarkaasi.
Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo gacan ka helaya AMISOM ayaa bilaabay howlgal ay doonayaan inay ku baacsadaan Al-Shabaab oo dib u soo celisay weerarro is daba joog ah oo Shabeelaha hoose ay ku qaadeyso.