Friday, June 27, 2025

Faahfaahin: Qarax ka dhacay Agagaarka Hotel Weheliye ee Muqdisho & Qasaare ka.. [Sawirro]

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xoog leh oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kasoo ka dhashay Gaari laga buuxiyey waxyaabaha qaraxa oo la dhigay kasoo horjeeda hotelka Weheliye.

Qaraxa ayaa ka dhacay maqaayada Bilsan oo u dhow Hotelka Weheliye, qeybta degmada Waaberi, waxaana si weyn looga maqlay caasimadda, isagoo dhacay xilli ay goobtaasi mashquul ahayd oo dad badan ku sugnaayeen.

Burbur xoog leh ayuu geystay qaraxa iyo qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay soo sheegeen weriyeyaashii ugu horeeyay ee gaaray goobta qaraxu ka dhacay, dhimashada ayaa la sheegay inay ka badan tahay 10 qof, iyadoo dhaawacuna sidoo kale ka badan yahay 20 kale.

Gaadiidka Gurmada ayaa wada daabulka dadka ku waxyeeloobay qaraxa, iyadoo ciidamada ay xireen goobta qaraxu ka dhacay.

Image may contain: one or more people, people walking, tree, shoes, sky, child, basketball court and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON