Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax Gaari oo Saaka ka dhacay xaafadda Galmudug ee degmada Hodan, Gobolka Banaadir, kasoo geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Qaraxa ayaa lala beegsaday Gaari yar oo ay wateen ciidamo ka tirsam dowadda, kasoo la sheegay inuu ahaa mid loogu xiray xilli ay marayeen agagaarka xarunta Ciidamada Asluubta, waxaana ku dhintay askari iyadoo midkii kalena uu dhaawac soo gaaray.
Ciidamada amniga ayaa gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxayna halkaasi ka qaadeen askariga dhintay iyo midka dhaawaca ahaa, iyadoo gaarigii ay wateen uu burbur soo gaaray.
Qaraxyadda khaarijinta ah ee lagu xiro Gawaaridda iyo Miinooyinka ayaa noqday kuwo ugu badan ee muddooyinkan danbe loo adeegsado dilalka ka dhacay Muqdisho iyo labada gobol ee shabeellooyinka.