Faahfaahin dheeraad ah ayaa laag helayaa qarax ka dhacay isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, kaasoo lala beegsaday Wasiirka cusub ee Shaqada iyo shaqaalaha xukuumadda Soomaaliya Durraan Axmed Faarax.
Qaraxa oo dhaa Miino loo dhigay Wadadda dhinaceeda ayaa lagu qarxiyey gaariga uu la socday Wasiirka, waxaana la xaqiijiyey inuu ka badbaady wasiirka oo wax dhibaato ah kasoo gaarin, waxaana ku dhaawacmay qaar ka mida ilaalada Wasiirka iyo Gaariga oo waxyeelo gaartay.
Goobta Qaraxu ka dhacay ayaa ah meel ay ciidamada dowladda ilaalo ka hayaan, wuxuuna qaraxan daba socdaa mid kale oo bishii hore lala beegsaday Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.
