Saturday, June 28, 2025

Faahfaafin: Dil Muqdisho loogu geystay Shaqaale Ugandes ah oo shaqeynayay UNICEF [Sawirro]

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa dil galabta Muqdisho loogu geystay shaqaale u dhashay dalka Uganda oo u  shaqeynayay hay’adda xanaanada Caruurta Q/MIdoobay ee UNICEF.

Dilka ayaa la xaqiijiyey inuu geystay mid ka mida ilaalada xarunta ay UNICEF ku leedahay degmada Wadajir, wuxuuna ninkan ayaa cunto-kariye laga keenay dalka Uganda. Askariga dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday intii aanay soo gaarin ciidamada amniga.

Ciidamada AMISOM ayaa tegay goobta waxaana laga kaxeeyay shaqaalihii ajnabiga ahaa ee xaruntaas ku sugnaa arrimo ammaan dartood, iyadoo aan faahfaahin laga bixiyey sababta keentay dilka.

Ciidamada Booliska dowladda Soomaaliya ayaa baaritaan ku bilaabay kiiskan, waxaana la sheegay in lagu daba jiro askarigii falkan geystay oo ciidamadu ay ka heystaan macluumaad ku filan.

Ninka dilka geystay ayaa hore loo saaray shaqada ilaalenimada xarunta, iyadoo markii dambe dib loogu soo celiyay, waxaana ciidamada dowladda ay hubka ka dhigeen dhammaan ilaaladii xarunta UNICEF.

Image may contain: one or more people, people standing, wedding, shoes, child and outdoor

Image may contain: 2 people

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON