Monday, July 7, 2025

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday Gaari lagu soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu waday qof is-miidaamiye ah, waxaana lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen ciidan iyo dad shacab ah, iyadoo uu geystay qasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ahaa lasii qorsheeyay oo Gaariga qarxa gudaha loo geliyay degaanada u dhow Moqokori oo ah xarunta ugu weyn ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka.

Qaraxa is-miidaaminta ah kadib ayey wararku sheegayaan inuu dagaal ka qarxay gudaha magaalada. Alshabaab ayaa sheegatay inay dagaalyahanadeeda gudaha u galeen degmada Moqokori, taasoo ay beeniyeen dadka degaanka.

Waxaa la xaqiijiyay inuu qaraxa Moqokori ku dhintay Mowliid Diroow Cabdi (Mowliid Banjar) oo ka mida  ganacsatada taageerta ciidamada macawisleyda Gobolka Hiiraan, iyadoo loo maleynayo in ujeedka weerarka uu ahaa in la khaarijiyo.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inuu mar kale dagaal ka qarxay degaanka Gumarre ee duleedka Moqokori, kadib weerarka is-miidaaminta ee ka dhacay degmada Moqokori.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON