Wararka laga helayo Gobolka Bay ayaa sheegaya in dabley ka tirsan kooxda Alshabaab ay duleedka magaalada Baydhaba ku dileen nin iyo xaaskiisii.
Dilkan ayaa xalay ka dhacay deganka Aw-diinle ee gobolka Baay, waxaana dableyda Alshabaab ay toogasho ku dileen nin iyo xaaskiisa oo ahaa qoys caruur isu dhalay, waxayna ugu galeen hoygooda.
Guddoomiyaha degmada Awdiinle ee gobolka Baay Cali Xuseen Cali ayaa Isheegay in falkan oo ah mid laga naxo ay Alshabaab ka danbeeyeen, wuxuuna intaas ku daray in ninka iyo xaaskiisa la dilay ay ka tageen caruur.
Dadka degaanka ayaa sheegay in qoyskan la dilay ay ganacsi yar ku lahaayeen tuulada, halkaasoo ay wax ka iibsan jireen ciidamadad dowladda, loona maleynayo in arrintaas ay eersadeen, iyadoo si weyn looga naxay dilkooda.