Thursday, July 10, 2025

Faahfaahin: Alshabaab Weerarro saf-mar ku qaaday Saldhigyada ciidamada Dowladda ee Sh/Hoose

Maleeshiyada Alshabaab ayaa saaka aroortii weerarro saf ballaaran ku qaaday saldhigyo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin Gobolka Sh/Hoose.

Goobaha Alshabaab weerartay waxay kala yihiin:

Saldhigga Bariirre oo weerar toos ah ay ku qaadeen.

Saldhigga ciidamada Dowladda ee Awdhiigle oo weerar toos ah lagu qaaday

Weerar Qarax baabuur oo lagu qaaday Lafoole.

Iyo Hoobiyeyaal lagu weerarray Sabiid iyo Caanoole.

Alshabaab ayaa sheegtay inay cagta mariyeen saldhiyada ciidamada dowladda ee Bariirre iyo Awdheegle, ayna ciidamo ka badan 47 askari ku dileen, isla markaana ay la wareegaan hubkii iyo saanadii oo ay ku jiraan lix gaadiidka dagaalka ah.

Alshabaab ayaa sidoo kale sheegatay inay weerar culus ku qaadeen Awdheegle, si aysan gurmad ugu sameyn Bariirre

Taliyaha ciidamada Milateriga Soomaaliya Odowaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta dowladda u sheegay inay weerarka ku dileen ciidamo iyo saraakiil badan oo Alshabaab ah.

Weeraradan ayey Alshabaab kusoo beegtay xilli uu khilaaf ka taagan yahay Doorashada Soomaaliya, isla markaana uu shir maanta Muqdisho uga furmayo madaxda dowladda federaalka iyo maamul Goboleedyada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON