Friday, June 27, 2025

FAAHFAAHIN: Arday dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray Hoobiyeyaal Galabta ku dhacay Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa madaafiic hoobiyeyaal ah oo galabta ku soo dhacay xaafado ka mida degmada H/wadaag ee magaalada Muqdisho.

Ilaa saddex Hoobiye ayaa ku soo dhacay guryo iyo goob waxbarasho, waxaana la sheegay inay geysteen qasaare dhimasho iyo dhaawac eh.

Wararkii ugu danbeeyay  ayaa sheegaya in madfac ku dhacay Iskuulka Xasan Qariidi qof uu geystay qasaare arday gabar ahayd oo ku dhimatay iyo saddex arday oo kale oo ku dhaawacmay.

Warar kala ayaa sheegaya in madfac kale uu qasaare geystay, waxaana tirada dhimashada madaafiicda galabta ay geysteen lagu sheegay 2 dhimasho ah iyo in ka badna 10 kale oo dhaawac ah.

Ciidamada dowladda ayaa goobta gaaray, waxaana la sheegay in koox gaari wadata ay xaafadaadi ka rideen dhowr madfac oo hoobiye ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON