Sunday, July 13, 2025

Faahfaahin: Askar badan oo lagu dilay Muqdisho iyo Alshabaab oo sheegatay inay khaarijisay Sarkaal sare

Dilal qorsheysan ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo Alshabaab ay sheegtay inay khaarijiyeen sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada dowladda.

Dilka hore ayaa ka dhacay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, markii koox hubeysan oo Alshabaab ka tirsan ku weerarreen askar ka tirsan ciidamada Amniga, waxaana lagu dilay laba askari iyadoo hubkii ay wateen laga qaatay, kadibna ay goobta ka baxsadeen dableydii falkaasi geysatay.

Dhinaca kale Alshabaab ayaas heegta inay degmada Kaaraan ee Muqdisho ku dishay Gaashaalle Dhexe Xuseen Maxamed Gacal oo ka tirsan ciidamada dowladda, waxaana la sheegay inay meydka sarkaalka halkaasi ka qaadeen ciidamo ka tirsan dowladda.

Koox kale oo dabley ah ayaa weerar ku dishay laba nin oo dhalinyara ah, kuwaasoo la sheegay in ay ka tirsanaayeen ciidamada NISA ee dharcadka loo yaqaana, wuxuuna dulkooda ka dhacay lagu dilay degmada Waaberi, waxayna Alshabaab sheegatay in dishay 3 askari oo dharcad ah, mid kalana ku dhaawacday weerarkan.

Dilalka khaarijinta ah ee maanta ka dhacay Muqdisho inta lasoo weriyey ayaa ka badan 5 askari, iyadoo midkood uu yahay sarkaal sare, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha Amniga dowladda iyo maamulka Gobollka Banaadir.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON