Sunday, July 6, 2025

Faahfaahin: Burcad hubeysan oo Magaalada Muqdisho ku dishay Macallin Jaamacadeed

Koox hubeysan ayaa saaka degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdishi toogasho ku dishay Macalin Jaamacadeed oo waxx ka dhiga Jaamacadaha ku yaala caasimadda Muqdisho.

Macalinka ayaa saaka aroortii lagu dilay xaafadda Suuq-yaraha, waxaana lagu magacaabi jiray Cusmaan Axmed Macow, isagoo ka mid ahaa Macalimiinta ka howl gasha Jaamacadda Horseed ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya inay dilkiisa geysteen koox Burcad ah oo doonayey inay ka dhacaan taleefoonka gacan-qaadka ee Mobileka, waxayna dadka degaanka sheegeen in Dableyda burcadda ahayd iyo Macalinka uu muran dhex maray inta aysan dilin, taasoo keentay inay rasaas ku furaan, kana qaataan Telefoonka iyo alaabo kale oo uu watay.

Allaha u naxariistee meydka Marxuunka ayaa goobta laga qaaday, iyadoo baaritaan loo geeyay xarunta Hay’adda dambi baarista Booliska ee CID-da.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON