Tuesday, June 24, 2025

FAAHFAAHIN: Ciidamada AMISOM & Milateriga uu Turkiga tababarray oo Dagaal lama filaan ah dhex maray.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal xalay ka dhacay degaanka Ceelaha Biyaha, kaasoo hore loo sheegay inuu dhex maray ciidamada AMISOM ee fadhiisinka ku leh degaanka Arbacow iyo Alshabaab, balse ay soo shaac baxday in ciidamadaasi ay ahaayeen milateriga Soomaaliya ee Turkigu tababarray.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada gaarka ay ee Turkigu tababaray oo watay gaadiid dagaal iyo hub culus ay u socdeen howlgal gaara, balse ay si khaldan isugu dhaceen ciidamada AMISOM oo heegan ku jiray, taasoo dhalisay in labada dhinac uu dhex maro dagaal in ka badan Nus Saac socday oo qasaare dhalitay.

Dadka dagaalka ku dhintay ayaa la sheegay inay ka badan yihiin 7 askari. isla markaana dhaaawacu gaaray 15 kale, kadib isku dhaca labada ciidan oo si lama filaan ah ku dhacay, waxaana weli halkaasi ku sugan ciidamada AMISOM oo la sheegay inay faahfaahin ka dalbadeen dowladda Somalia.

Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la sheegay in dagaalkaas ay uga dhinteen Afar Askari, sidoo kalana ay kaga dhaawacmeen Lix Askari oo kale. Halka dhinaca ale Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee uu tababaray Turkigu ayaa la sheegay in dagaalkii xalay ay kaga dhinteen 2 Askari, halka ay kaga dhaawacmeen 8 kale.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Milateriga Soomaaliya iyo Taliska Midowga Afrika ee AMISOM.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON