Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay dagaal dhex maray saaka ciidamo ka wada tirsan askarta Dowladda Soomaaliya oo halkaasi ka howlgala.
Dagaalka ayaa ka dh qarxay ciidamada ee ku sugan Isgoyska Ex-koontorool Afgooye oo ka mida Baraha laga ilaaliyo caasimadda, iyadoo iska hor imaadka la sheegay inuu ka dhashay markii ay isku qabteen lacagaha laga qaado Gaadiidka ka yimaada Gobolka Sh/hoose.
Dadka degaanka ayaa sheegay in arrinta la isku qabtay ay ahayd Ciddii qaadan lahayd lacagta bosteejada War-laliska ee ay ka baxaan Gawaarida tagta Weydow, Ceelasha, Lafoole iyo Afgooye.
Dagaalka oo daqiiqado socday ayaa dhaliyey Qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana la sheegay inay ku geeriyooden ilaa saddex qof oo isugu jira askari haweeney, askari iyo qof shacab ah.
Isgoyska Ex. Koontarool Afgooye oo aad mashquul ahaa ayaa muddo xayirmay markii uu saameyn ku yeeshay dagaalka ciidamada dowladda dhex maray, waxaana markii danbe la sheegay inay xaalada degtay.

