Sunday, July 13, 2025

Faahfaahin: Ciidamada Dowladda oo mar kale ku dagaalamay Muqdisho & sarkaa lagu dilay

Ciidamo ka wada tirsan askarta dowladda Soomaaliya ayaa xlaay dagaal ku dhex maray xaafad ka tirsan degmada Hodon, iyadoo dagalkaasi uu dhaliyey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo ka dhacay xaafadda Zona K, ee degmada Hodon ayaa la sheegay inuu ka dhashay Qaad si sharci darro ah loo soo geliyey magaalada oo ay isku qabsadeen labada ciidan oo kala ahaa Boolis iyo Milateri, waxaana uu dagaalku socday muddo saacad ku dhow iyadoo rasaas xoog leh la isku weydaarsaday.

Waxaa dagaalka ku geeriyooday ilaa laba askari oo uu ka mid yahay sarkaal sare oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo magaciisa lagu sheegay Daahir Sheekh Axmed, waxaana ku dhaawacmay askar kale, iyadoo markii danbe goobtaasi la geeyay ciidamo fara badan.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha Amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo isku dhacyada ciidamada dowladda ay joogto noqdeen magaalada Muqdisho muddooyinkii dambe.

Dhowaan ayuu dagaal kale oo xoog leh ciidamada Booliska iyo Milateriga ku dhex maray xaafadda Tarbuush ee degmada Wadajir, kaasoo dhaliyay qasaare kala duwan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON