Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa iska hor imaad iyo dagaal culus oo caawa ka xaafadda barwaaqo ee degmada Wardhiigley.
Weerarka ayaa la sheegay inay qaadeen dabley wadatay Gaari oo ka tirsan Alshabaab, kuwaasoo Bambooyin ku tuuray Laanta oo fariisin u ah ciidamada Amiga, waxayna cidamada rasaas xoog leg ku fureen dableydii iyadoo daqiiqado uu dagaal dhex maray, waxaana halkaasi laga maqlay qaraxyada dhowr Bambo oo dableydu adeegsatay.
Wararka laga helayo dadka degaanka aya sheegaya in dableyda weerarka qaaday a goobta isaga baxsadeen, kana cararreen Gaari ay wateen, iyadoo xaafadaha u dhow degaankaasi ay gaareen ciidamo gurmad ah.
Maleeshiyada Alshabaab ayaa muddooyinkii dambe magaalada Muqdisho ka bilowday inay weeraro ku qaado xarumaha ciidamada Baraha Koontrol ee gudaha magaalada.
